Home Wararka caalamka Sweden Qabow iyo Baraf dib uga bilowday qeybo kamid ah Gobolada Dalka

Sweden Qabow iyo Baraf dib uga bilowday qeybo kamid ah Gobolada Dalka

0

Xili uu bilowday Waqtiga Kuleelaha ayaa wararka laga helayo Kamuunka Kalmar waxay sheegayaan in halkaasi uu dib ugu soo laabtay Barafka Xiliga Qaboobaha.

Magaalada Kalmar ayaa kamid ah meelaha Saaka oo Sabti ah ay dadka ku soo tooseen Baraf badan oo Xalay da’ay waxana ay arintaasi ay keentay in dadka Banaanka u soo bixin.

Goolaha kale ee Baraka ka da’ay waxaa kakid ah Oskarshamn, Påskallavik, Berga, Mönsterås iyo Virserum sidoo kale Wadada 47 ee u dhaxeysa Målilla iyo Järnforsen waxaa ka dhacay dhoor shil oo sabab u aheyd silbashada wadada.

Hay’ada dhanka Cimilada u qaabilsan Sweden SMHI ayaa digniin kasoo saartay Barafkaasi oo la filayo in uu socdo ilaa maanta Galinka danbe sida saadaasha tilmaameyso.

Caasimada Stockholm iyo Deegaanada kale ee Dalka waxaa laga dareemayaa Qabow dib u soo laabtay iyo Cimilo Xun.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here