Home Wararka Somaliya Akhriso: Eedeymaha Madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Kenya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada...

Akhriso: Eedeymaha Madaxweyne Farmaajo uu u jeediyay Kenya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Qaarkood

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in mudadii uu talada dalka hayey uu culeys daran kala kulmay kiiska badda, isagoo Kenya ku eedeeyey iney kiiskan awgiis dhibaatooyin badan u geysatay dadka Soomaaliyeed.

Khudbad uu caawa jeediyey ka dib markii Somalia loo xukumay inta badan baddii ay sheeganeysay Kenya ayuu farmaajo sheegay in Kenya ay waddo kasta u martay sidii ay dowladiisa uga laaban laheyd kiiska badda ee yaallay Maxkamada ICJ.

“Waxay soo abaabuleen ururo siyaasadeed oo ay doonayeen in culeys iyo xasilooni darro siyaasadeed ay uga abuuraan gudaha dalkeenna, ujeedada ka dambeysana waxay aheyd inay nagu khasabto inaan dib ula soo noqono dacwadda badda, markii ay Kenya ku guuleysan weysay cadaadiskaas waxay bilowday inay xad-gudub qaawan iney ku sameyso qaranimadeena, iyo jiritaankeena” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu sheegay iney Somalia ka geysatay duqeymo badan oo lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan.

“Kenya waxay abaabul ciidan oo liddi ku ah madax-banaanideena ku fulisay duqeymo shacab Soomaaliyeed ay ugu geysatay dhibaato naf iyo maalba leh, waxay isku dayday in la curyaamiyo dhaqaalaha dalkeenna, waxay olole xooggan ka bilowday xarunta Qaramada Midoobey, kaasoo u jeedkiisu ahaa in Soomaaliya lagu soo rogo qaraarka tirsigiisu yahay 1267, kaasoo Kenya ay uga danlaheyd inay ku xayirto kulana wareegto hantida ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkeeda taalla, iyadoo argagixisanimo lagu eedeynayo,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Kenya ku eedeeyey iney carqaladeynta dowladiisa u soo adeegsaday qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada Soomaalida.

“Kenya doorashada Jubbaland ayey afduubatay waxaana arrintaas ka biya diiday shacabka deegaanka, sidoo kale Kenya waxay si aan gambasho laheyn noogu sheegtay in maamulka Jubbaland ay nala heshiisiineyso, haddii aan ka tanaasulno dacwadda badda, balse taas nagama daadegin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Farmaajo.

Madaxweynaha dalka ayaa u mahad celiyey madaxweyihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyo baarlamankii 8aad ee Somalia.

“Boggaadin waxaa mudan baarlamaankii 8-aad oo qaatay go’aan geesinimo leh, kaasoo saldhig u ahaa guusha aan maanta heysano, kadib markii ay laaleen heshiiskii is afgaradka ahaa ee Kenya ay mar kasta ku andacooneysay, iyagoo qaatay qaraar ay ugu magac-dareen dhaxal dhowr, Waxaa xusid mudan doorkii sharafka ahaa ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee dalka walaalkey Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabay geedi socodkii cadaaladeed ee lagu difaacayey badda Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu balan-qaaday in dowlada Somalia ay u hogaansameyso go’aanka maxkmadda ICJ ka soo saartay kiiska badda. isagoo Kenya ugu baaqay  inay ilaaliso sareynta sharciga caalamiga ah, ayna iska ilaawdo damaceeda.

“Guushani ma aha mid u soo hoyatay cid gaar ah, mana kala lahan muxaafid iyo mucaarid, mana aha libin ay leeyihiin shakhsiyaad kooban balse waa guul ka dhaxaysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waana guul ay dhaxli doonaan jiilasha soo socda.Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto inaan ku dhiirrigeliyo siyaasiyiinta walaalahay ah inay muujiyaan midnimo, isku duubni iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta danaha qarankeenna, annaga oo meel iska dhigayna danaha shakhsiga ah iyo aragtiyada kala duwan” ayuu khudbadiisa Farmaajo ku yiri caawa khudbadiisa oo socotay 15 daqiiqo.

“Waxaanu u dhaarannay inaan ilaalino ammaanada aan u qaadnay shacabka Soomaaliyeed, damiirkeenna marnaba nama siinayo in aan dhaxalka jiilasha soo socda ku beddelanno dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Waxaannu iska diidnay in aan qaadanno gunnimo dhereg leh, annagoo ka doorannay gobanimo gaajo leh. Tallaabo kasta oo aanu qaadnay iyo go’aan kasta oo aan gaarnay waxa halbeeg u ahaa ilaalinta qabka, qarannimada, midnimada iyo sharafta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Ad
Previous articleMaamulka Tv-ga Dowladda iyo Madaxtooyada Somalia oo Khilaaf ka dhex Abuurmay
Next articleMadaxweynaha Kenya oo ka hadlay xukunka Maxkamadda ICJ ee Muranka Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here