Home galmudug Hay’adda MSF oo faahfaahisay gargaar caafimaad oo ay ka bilaabeyso Isbitaalka Koonfurta...

Hay’adda MSF oo faahfaahisay gargaar caafimaad oo ay ka bilaabeyso Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo bisha Juun

0

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegtay sida ay u dooneyso inay adeeg caawimaad bani’aadanimo oo caafimaad u siiso bulshada Koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya.

War saxaafadeed kazoo baxay Xafiiska Hay’adda MSF ee magaalada Nairobi ayaa lagu muujiyay in kulan ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo maalinimadii shalay ee Khamiista ay ku wargeliyeen bulshada deegaanka adeegyada ay hay’addu qaban doonto nooca ay yihiin.

“Shalay, kulan dadweyne oo ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkayo, hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) waxay muujisay sida ay u dooneyso inay adeeg caawimaad bani’aadanimo oo caafimaad siiso bulshada Koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Waxaan la shaqeyn doonaa si wadajir ah Ururka Horumarinta Mudug ee Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, anagoo ka taageereyna si gaar ah qeybta dhalmada iyo gargaarka deg degga,” sidaasi waxaa yiri Gautam Chatterjee, oo ah Madaxa MSF ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Hay’adda MSF oo muddo ka maqneyd dalka, hase yeeshee dib ugu soo laabtay 2017 ayaa waxay sheegtay in la shaqeyn doonto si wadajir ah Ururka Horumarinta Mudug ee Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo oo ay ka taageeri doonaan si gaar ah qeybta dhalmada iyo gargaarka deg degga.

Madaxa Hay’adda MSF Somalia iyo Somaliland, Gautam Chatterjee ayaa caddeeyay inay bixin doonaan adeeg caafimaad oo guurguura oo laga fulinayo illaa saddex goobood gudaha magaalada Gaalkacyo.

“Wixii ka baxsan isbitaalka, waxaan la shaqeyn doonaa Wasaaradda Caafimaadka, anagoo fulin doona koox caafimaad oo guurguurta oo ka hawlgasha saddex goobood. Waxaanu qorsheyneynaa inaan bilawno hawlahan marka la gaaro bisha June.

Waxaan fursaddan uga faa’ideysaneynaa inaan ku celinno markale baahida loo qabo in masuuliyiinta maamulka iyo bulshada-ba ay nagu taageeraan hawshan,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gautam Chatterjee, oo ah Madaxa MSF ee Soomaaliya iyo Somaliland.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here