Home puntland Garoowe 10 Qof oo Maxkamad loo soo taagay Kufsiga iyo dilka loo...

Garoowe 10 Qof oo Maxkamad loo soo taagay Kufsiga iyo dilka loo geestay Caaisha Ilya

0

Magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland waxaa saakay ka bilaabatay dhageysiga dacwadaha loo heesto 10-nin oo lagu soo eedeeyay kufsi iyo dil argagax leh oo magaalada Garawe loogu geestay Caa’isha Ilyas oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Dhageysiga dacwada Eedeesanaha ayaa xiligan ka socota hoolka xarunta gobolka Nugaal, waxaana hoolka dacwada lagu dhageesanayo ku sugan Wasiiro katirsan Puntland, ehelada Caa’idsha, ehelada eedeesanayaasha iyo dad kale oo dacwada dhageesanaya.

Hoolka ay ka socoto dhageysiga dacwada waxaa lagu soo bandhigay sawiro iyo qoraalo la xiriira kiiska kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas, waxaana goobta ku sugan qareeno u doodaya Qoyska Caa’isha iyo kuwa difaacaya eedeesanayaasha.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud Maxamuud Xareed oo soo oogay dacwada ayaa maxkamada ka hor akhriyay magacyada Eedaysanayaasha loo haysto kiiska dilka ee Caa’isho Ilyaas.

Kufsiga iyo dilkii argagaxa lahaa ee loo geestay Caa’isha Ilyaas oo aheyd 12-jir kunooleyd magaalada Gaalkacyo ayaa gil gilay quluubta shacabka Soomaaliyeed, waxaana la dalbaday in cadaalada la horkeeno eedeesanaaashii falkaasi geestay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here