Home puntland Faahfaahin laga helayo Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso

Faahfaahin laga helayo Qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso

0

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee aaga buuraleyda Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi ayaa xalay ka bad baaday iskuday dil ka dib markii Qaraxa Miino loogu aasay irida hore ee gurigiisa oo ku yaala magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday qaraxa lamana soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi balse gurigiisa ayaa waxaa soo gaaray burbur baahsan.

Qaraxii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa si isku mid ah u saameeyay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo ku xigeenkiisa oo labo guri oo isku dhagan ka dagan  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Laamaha amniga Puntland ee gobolka Bari ayaan baaritaano saakay ka wada magaalada Boosaaso wallow aan wali lasoo sheegin cid loo soo qabtay falalkii xalay ka dhacay magaaladaasi, sidoo kale wali laamaha amaanku kama hadlin qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here