Home Wararka Maanta Agaasimaha NISA Mahad Salaad Oo La Kulmay Madaxda CIA Iyo FBI-Da Mareykanka

Agaasimaha NISA Mahad Salaad Oo La Kulmay Madaxda CIA Iyo FBI-Da Mareykanka

0

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa, sida wararka lagu helay, wuxuu casuumad rasmi ah ku joogaa dalka Mareykanka, halkaas oo uu kulamo iskaashi la xiriira kula leeyahay hay’adaha amniga iyo sirdoonka ee dalkaas, sida FBI iyo CIA.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray iskaashiga dhanka ammaanka iyo la dagaalanka argagixisadda labadda waddan, wuxuuna warbixin kasiiyay xaalada amni ee dalka iyo dagaalka dowladda ee ku wajahan Shabaab.

CIA-da Mareykanka ayaa hore uga caga jiidday in uu Mareykanka booqdo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo intii uu xafiiska joogay marar badan isku dayay inuu casuumad ka helo hay’addaas Sirdoon ee dunida ugu weyn.

Mareykanku, si kastoo uu Soomaaliya ula shaqeeyo, haddana niyadsamida ay iskaashi kula sameeyaan hoggaanka NISA mar kasta waxay ku xiraan baaris iyo raad raac dhanka xiriirka argagaxisada ah, taas oo haddii ay ku qancaan sahasha inay hoggaanka isla gaaraan heer wada-shaqayn oo gaarsiisan inay ku martiqaadaan xarumaha hay’adaha amniga ee dalkaas.

Si kastaba, socdaalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ciidamadda Mareykanka ay duqeyn diyaaradeed dhanka cirka ah ay ka fuliyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe Isniintii shalay.

Ad
Previous articleAFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib
Next articleRa’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Shir madaxeed ka furmay Dalka Masar(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here