Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Nin Dil argagax leh ugu gaystay Baladweyne laba Wiil oo uu Abti...

Nin Dil argagax leh ugu gaystay Baladweyne laba Wiil oo uu Abti u Ahaa

0

Waxaa maanta xaafada Kooshin ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin hubeysan uu halkaasi dil iyo dhaawac ugu geestay labo wiil uu abti u ahaa.

Ninka hubeysan ayaa la sheegay in uu tagay guri ay degnaayeen wiilasha uu abtiga u ahaa oo kutaalla xero barakac, waxa uuna halkaasi ku dilay mid kamid ah wiilasha ,halka mid kalana uu dhaawac u geestay.

Aabaha dhalay wiilasha midna la dilay midna la dhaawacay ayaa warbaahinta u sheegay in saakay soo weeraray nin abti u ahaa wiilashiisa, waxa uuna xusay in ninkaasi wiilashiisa u dilay lax jeclo sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay abaahan in wiilkiisa la dilay isaga oo ku dhawaaqayay abti ha i dilin, waxa uuna laamaha ammaanka ka codsaday in lasoo qabto ninka dilka geestay lana horgeeyo caddaaladda si uu gacantiisa isna ugu tuugto gacan-ku-dhiiglaha.

 

Ad
Previous articleCali Guudlaawe oo Mushaarkii ka Jartay Xildhibaanada Beesha Xawaadle ee maamulkiisa ka Tirsan
Next articleGudoomiyaha Degmada Caabudwaaq iyo kuxigeenkiisa oo la Doortay Xili khillaf Xoogan Taagan yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here