Home Wararka Somaliya Galmudug Shir u Dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada Dalka oo ka Furmay...

Shir u Dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada Dalka oo ka Furmay Dhuusamareeb(Sawiro)

0

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimaha caafimaadka dalka.

Shirkan oo ah kii shanaad ee caafimaadka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u furay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadan.

Wuxuu shirku socon doonaan muddo laba cisho ah, ayada oo ay ka qayb-galayaan wasiiradda caafimaadka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, agaasimayaal iyo khuburo sare oo dhanka caafimaadka ah.

Mudada uu socda shirka ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa waxa ka dhaqangalay qodobadii horey uga soo baxay shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo aas aas u ahaa horumarinta caafimaadka iyo ka dhabeynta hiigsiga dhow ee isbadalka caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo bandhigi doonaa howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaraddaha caafimaadka dowlad goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey daadejinta barnaamijka caafimaadka ee heer dowlad Goboleed.

Madasha waxaa ka hadlay madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay  in maamulkiisa uu ka go’an yahay horumarinta caafimaadka si ay bulshaada Soomaaliyeed u hesho caafimaad dhamaystiran iyadoo laga amba qaadayo geediga horey usoo socdey ee caafimaadka.

Dhankiisa wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ay la shaqeyn doonta wasaaradaha caafimaadka ee maamul goboleedayada, si bulshada u gaaro adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mashaariicda horyaalla wasaarada caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha dowlad goboleedya,
Ad
Previous articleCiidamo Kawada Tirsan Dowlado oo Dagaal ku Dhexmaray Muqdisho iyo Askar ku Dhimatay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here