Home Wararka Caalamka Ruushka iyo Ukraine oo Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis(Sawiro)

Ruushka iyo Ukraine oo Magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis(Sawiro)

0

Turkiga, Qaramada Midoobay, Ruushka iyo Ukraine ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis dib loogu bilaabayo dhoofinta Qamadiga ee Badda Madow, kaa oo u xayirmay duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine.

Wasiirka difaaca Ruushka, wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, wasiirka difaaca Turkiga iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa heshiiska ku saxiixay Istanbul. Xafladda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Turkiga R.T. ErdoÄŸan.

ErdoÄŸan ayaa sheegay inuu rajeynayo in heshiiskan dhoofinta qamadiga ka hartago balaayiinka qof ee wajihi kara macluusha, sidoo kalena fududeeyo sicir bararka ku yimid cunnada adduunka.

Sida ay ku warameyso Hay’adda Cunnada Adduunka WFP, boqolkiiba 40 Qamadiga ay dunida geyso wuxuu ka yimaadaa dalka Ukraine. Hadda in ka badan 20 milyan oo tan oo Qamadi ah ayaa sugaya in loo dhoofiyo dunida, Kuwaa oo ku xayiran gudaha Ukraine.

Ad
Previous articleGuddoomiyaha Bakool oo Ka hadlay Weerarkii Al-Shabaab ku Qaadeen Itoobiya eedeyn culusna u jeediyay Liyuu-Boolis
Next articleShirkii Tansaaniya oo Warmurtiyeed Laga Soo saaray xili Soomaaliya ay leedahay Raja sare (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here