Home Wararka Maanta Madaxweyne Cali Cosoble oo shaaciyay ‘halis aan laga fiirsan’ oo ka dhalan...

Madaxweyne Cali Cosoble oo shaaciyay ‘halis aan laga fiirsan’ oo ka dhalan karta go’aankii madaxweyne Xasan

0

Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay go’aanno uu dhawaan shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay dowladda ku xakamayneyso hubka lagu dhex wato caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cali Cosoble ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka madaxweynaha oo uu sheegay in uu yimid waqti aan munaasib aheyn, isaga oo ka digay inay ka dhalan karto halis aan lagu baraarugsaneyn oo la xiriirta go’aanka dowladda ay ku xakameynayso hubka lagu dhex wato magaalada Muqdisho.

Cosoble ayaa waxa uu sheegay in hubka culus ee siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladda uu qeyb ka yahay sugidda amnigooda, ayna caasimadda mari karin haddii ay kaxeystaan ilaalo sidata hub fudud, sida uu hadalka u dhigay madaxweynihii hore ee HirShabelle.

“Madaxweynow sababta ay dowladda u raadineyso in laga qaado cunaqabateynta hubka waa iney la timaado hubka ay argagixisada wadato hub ka waaweyn. Siyaasiga iyo mas’uulka dowladda markuu kaxeysto laba wiil oo bastoolado sita iska daa shabab ee naagta caanaha suuqa ku gadda ayaan ka hor leexaneyn,” ayuu yiri  Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in lagama maarman tahay in caasimadda ay masuuliyiinta dowladda iyo siyaasiyiinta kale ku dhex wataan caasimadda hub ka culus midka ay argagixisadu ku haysato magaalada, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab ee dowladda ay dagaalka kula jirto.

“Marka uu qofka mas’uulka ah ku dhex wato magaalada dhashiike iyo dabajeex wuxuu sitaa hub ka waaweyn hubka ay argagixisada ku dhex wadan karto magaalada. Hadduusan hubkaa waaweyn wadan waa la soo hunguriyeynayaa naftiisana khatar ayey galeysaa.”

Marka laga imaado hadalka Cosoble, waxay xukuumadda Soomaaliya ay Axadii soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.

Qodobka koowaad ee xeerkaan ay xukuumaddu soo saartay waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdi-bilaha iyo dharka ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, islamarkaana ay noqonayaan hanti dowladeed.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo wadahadal la yeelatay wakiilo ka socda Ruushka
Next articleAntónio Guterres oo Gaaray Baydhabo Xili uu Saakay Soo Gaaray Muqdisho+ujeedada Socdaalkiisa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here