Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo la kulmay Safiirka (Sawiro) Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la kulmay Safiirka (Sawiro) Shiinaha

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gacan siinayaan adkeynta amniga, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta maalgashiga, isagoo xusay in ay ku garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ilaalinta madax-bannaanidooda dhuleed, siyaasadeed iyo difaaca gobanimda Qarankooda.

Ad
Previous articleMaxa kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Ee Maantay?
Next articleWasiirada Dowlad Gobaleedyada dalka oo soo saaray Warsaxaafadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here