Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo Safar Deg Dega Ah Ugu Ambabaxay Netherland iyo ujeedka...

Aadan Madoobe oo Safar Deg Dega Ah Ugu Ambabaxay Netherland iyo ujeedka oo la ogaaday

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta safar shaqo uga ambabaxay magalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Amsterdam ee dalka Boqortooyadda Netherland.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Netherland waxaa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaas, isagoona kulamo la qaadan doona Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Socdaalka gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili xildhibaanada golaha shacabka ay wali fasax ku maqan yihiin, maadaama uu u soo dhamaaday kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Kampala uga qeyb galaya xuska sanad guuradii 60aad ee ka soo wareegatay markii Uganda ay ka xarowday gumeystihii.

 

 

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Goordhow ka Qarxay Gobalka Hiiraan
Next articleHogaamiye Muslim ah oo putin ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here