Home galmudug Gudiga Jaaliyada Galmudug ee Finland oo la doortay Akhriso Magacyada

Gudiga Jaaliyada Galmudug ee Finland oo la doortay Akhriso Magacyada

0

Munaasabad Galinkii danbe ee Manta Ka dhacday Magalada Helsinki ee Caasimada dalka Finland islamarkaana kasoo qayb galeen qaybaha Kala duwan ee bulshada Kasoo jeeda Deeganada Galmudug ayaa lagu doortay gudiga Cusub Jaaliyada Galmudug ee Dalka Finland.

Waxa goobta jogay Gudoomiyihii ugu horeeyay Jaaliyada Galmudug ee Dalka Finland mudane bille Ahmed daahir iyo gudoomiyaha waqtigiisa dhamaday mudane Aweys Ahmed warsame, Doorashada gudiga Cusub Ka hor waxa warbixin laga dhagaystay Gudoomiyihii hore Aweys Ahmed warsame Kaas oo sharaxay mudadii xilka hayeen wixii usoo qabsamay iyo qorshihii ugu danbeyay ee gudiga.

Intaas kadib kaso qayb galayasha ayaa doortay gudiga Cusub ee Jaaliyada Galmudug Dalka Finland waxana gudigaasi Ka kooban yahay 7xuboon oo rag iyo dumar iskugu jira.

1 Ahmed Faarax                      Gudoomiye

2 Mohamed Haashi shirwac  G/ Kuxigeen

3 Samsam macalin Hasan    Xog haye

4 Caynte Ahmed guleed         Xubin

5 Mohamed Siciid                    Xubin

6 C/Rashiid Subeer                   Xubin

7 Fartuun diigax                         Xubin

Jaaliyadaan ayaa waxaa la aas aasay 1994t Magaca Galmudug ayay qadatay Sanadkii 2006dii waxay Ka qayb qadata hormarinta deegaanada Galmudug dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Nabad, Aas aaska Ispitaalka guud ee Galkacyo iyo hirgalintiisii ayay Ka qayb qadatay Sido kale waxay gacan Ka gaystay dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Hobyo waxa hada qorshaha ugu Jira inay gacan Ka gaysto Hormarinta Deegaanada Galmudug

By:  Siciid Xogolof

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here