Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulankii ugu Horeeyey la Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulankii ugu Horeeyey la Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

0

Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadajir ah la qaatay madaxda shanta maamul goboleed ee dalka ka jira ,maalin kaddib markii loo doortay Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa ahaa qado sharaf madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u sameeyay madaxda dowlad goboleedyada dalka oo ku wada sugan Muqdisho, waxa ayna madaxda dowlad goboleedyada mar kale ugu hambalyeeyeen Xasan Sheekh guusha uu gaaray.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa dhammaan ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo u joogay ololaha doorashada , waxaana madaxdaasi kamid ah Madaxweynaha Puntland oo isagu kamid ahaa musharaxiinta madaxweynaha.

Maamul goboleedyada qaar gaar ahaan maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabelle ayaa Xasan Sheekh Maxamuud garab ka siiyay guushii uu doorashada ka gaaray, halka Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed dhisayeen Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii la doortay kadib ballanqaaday in uusan sameyn doonin wax aargoosi ah, waxaana dadka siyaasadda falanqeeya aaminsan yihiin in culeesyo Wajihi doonaan Madaxda Galmudug iyo KG

Ad
Previous articleCiidamada Burundi oo Dib u Qabsaday Deegaanka Ceel Baraf
Next article4 qodob oo uu ballan qaaday Xasan Sheekh ka hor inta aan la dooran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here