Home Wararka Maanta Xamaas waxay doonayaan in laba shardi la oofiyo si aysan dhibaato u...

Xamaas waxay doonayaan in laba shardi la oofiyo si aysan dhibaato u gaarin dadka u qafaalan

0

Ururka Xamaas ayaa ku hanjabay inuu dili doono Israa’iiliyiinta u qafaalan mar kasta oo Israa’iil ay bambooyin ku garaacdo guryaha falastiiniyiinta digniin la’aan.

Afhayeenka Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa soo saaray hanjabaad ah in ay dili doonaan Israa’iiliyiinta gacantooda ku jira, haddii Israa’iil ay sii waddo duqaymaha guryaha Falastiiniyiinta, oo ay dilkana baahin doonaan.

Ma jirto jawaab ka timid dhinaca Israa’iil oo la xiriirta hanjabaadaas. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israa’iil Eli Cohen wuxuu sheegay in ilaa 100 qof ay Xamaas qafaalatay markii ay maalmo ka hor weerarka ku soo qaadday Israa’iil.

Dhexdhexaadiyeyaal reer Qadar ah ayaa iyagana isku dayaya inay wadaxaajood ka galaan sii deynta haweeney Israa’iiliyad ah iyo carruur ay Xamaas qafaasheen si loogu sii daayo 36 isugu jira haween iyo carruur Falastiiniyiin ah

Dhinaca kalena, Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in ay u soo dhacayaan farriimo maqal ah oo ay soo dirayaan saraakiisha ciidamada Israa’iil, kuwaasoo sheegaya inay isaga baxaan inta badan waqooiga iyo bariga Qasa, ayagoo ka digay in ciidanku u halkaa hawlgal ka samayn doono.

Tobanaan qof oo ah dadka deggan xaafadda Remal ee Qaza ayaa guryahooda ka cararay.

“Innaga iyo carruurteenna iyo kuwa ay sii dhaleen iyo gadhaha ay wiilasheennu qabaan waan cararnay. Waxaan oran karaa qaxooti ayaan noqonay, ma haysanno bedqab iyo amni. Maxay tahay noloshan? Tani nolol ma aha ayuu yiri Saalax Hanouneh oo 73 jir ah.

Koofurta Israa’iil oo ah goobihii ay Xamaas weerarka ku qaadday ayaa afhayeenka milateriga Israa’iil wuxu sheegay in ciidanka ay dib u soo celiyeen koontaroolka xaafadihii israa’iil gudaheeda ku yaallay ee Xamaas ay cagta mariyeen.

Israa’iil waxay u yeertay ilaa 300,000 oo ah askarta kaydka, waxayna xayiraad ku soo rogtay marinka Qasa, taasina waxay keentay cabsi laga qabo inay weerar dhulka ah qaaddo.

Titadaas ayaa Israa’iil waxay ku uruurisay laba maalmood gudahood, waxayna taasi sii kordhisay dareenka laga qabo inay weerar dhulka ah ku qaaddoo degaanno ay labaatan sano ka hor ka baxday.

“Weligeen uma aanan yeerin askarta kaydka oo tiradoodu intaa le’eg tahay” ayuu yiri Jeneral Daniel Hagari. “Duullaan ayaan qaadaynaa” ayuu sii raaciyey.

Ayadoo labada dhinac ay isku mindiyo tumanayaan ayaa dhinaca kale madaxda dalalka islaamka waxay isla eegayaan sidii colaadda loo joojin lahaa.

Madaxweynayaasha MAsar iy Turkiga, Cabdulfataax Al Siisi iyo Racep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Xamaas iyo Israa’iil inay degdeg u joojiyaan dagaalka oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Masar.

Cabsi weyn ayaa laga qabaa in dagaalku uu sii baaho, dalalka galbeedkana taageero aan kala har lahayn ayey la garab istaageen Israa’iil. Taliyaha ciidamada Maraykankana wuxuu Iran uga digay in aysan soo dhex galin mushkiladdan.

Maraykanka oo sannad kasta Israa’iil siiya 3.8 bilyan oo dollar oo ah kaalmo milateri wuxuu sheegay in uu iminka siin doono saad cusub oo isugu jira hubka difaaca cirka, rasaas iyo kaalmo kale ooxagga amniga ah

Yuusuf Xasan oo ah khabiir saxaafadeed muddana ka soo shaqeeyey Israa’iil iyo Falastiin wuxuu aaminsan yahay in xiisaddan ay ka dhalan karto khariidad cusub oo bariga dhexe uu yeesho.

“Waxaa ka dhalan kara Sharqul Awsad cusb. Khariidadda bariga dhexe way is beddelaysaa. Quwado waaweyn ayaa galaya. Hadda Ukaraine waa laga jeestay, xaaladdu way adag tahay, wax kastaa dhici kara, Israa’iilna waxaa ka go’an inay go’doomiso oo duqayso Falastiiniyiinta, dhinaca kalena dhibaatada way la qabsadeen. Dhibaatada ugu weyn ee Israa’iil haysatana waa dadka laga haysto” ayuu yiri Yuusuf Xasan oo BBC uga warramayey waxa dhici kara ama la filan karo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarumaha tababarka ciidamada Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Ganacsade Cabduqaadir Jeemis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here