Home Wararka Maanta Soomaali laga soo Daadguray dagaalka Khartuum oo Lasoo Gaarsiiyay..(Sawiro)

Soomaali laga soo Daadguray dagaalka Khartuum oo Lasoo Gaarsiiyay..(Sawiro)

0

Ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda ka taagan magalada Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda South Sudan ee Jubba.

Waxaa gurmadkaas u fidiyay Jaaliyadda Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Jubba oo arrintaas dedaal dheer u galay.

Agaasimaha guud ee jaaliyadda ganacsatada Soomaalida South Sudan Cabdullaahi Xassan Cali ayaa ka waramay sida ay ugu suuragashay daad gureynta dadkaas

“Dad fara badan oo kasoo qaxay Suudaan una badan arday ayaan u gurmannay, anaga jaaliyad ahaan iyo ganacsatada ayaa ka shirnay sida aan u soo samata bixin lahayn, waxaan diyaarad u kireynay 73 qof waxa ku jira hal nin oo naafo ah iyo hooyo wadata labo carruur ah inta kale waa arday” ayuu yiri.

Cabdullahi ayaa sheegay in  maadaama dagaallo culus ay ka socdaan Suudaan, dowladda Suudaanta koonfureed ay qaxootiga u furtay xudduudaha taasna ay fududeysay iney soo daad gureeyaan Soomaalidaas.

Waxaa uu sheegay in lacag dhan 25,000 kun oo dollar ay ku baxday kireynta diyaaradda lagu soo qaaday.

Dagaal culus ayaa xalay mar kale ka bilowday qeybo kamid ah caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe.

Ad
Previous articleCongreska Mareykanka oo diiday in lasaaro Ciidamada ka jooga Somalia Maraykanka
Next articleDowlada Soomaaliya oo Sharci adag Ka Diyaarisay Arin Muqdisho Dhib Wayn ku Haysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here