Home galmudug Waa imisa Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya Shirka Nairobi ee...

Waa imisa Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya Shirka Nairobi ee Beesha Caalamka

0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Dalka Nairobi waxaa halkaasi ku kulmaya madaxda Maamulada Dalka Somaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirka ayaa diirada lagu saaraya soo celinta Macaamilka gaarka ee Beesha Caalamka iyo Dowlad Goboleedyada kuwaasi oo horay u go’ay waxana warbaahinta mudug24 heleysaa madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi.

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Jubbland ayaa hada ku sugan Nairobi kuwaasi oo la xaqiijiyay ka qeyb galkooda Madaxweynaha Puntland oo ku sugan imaaraadka ayaa la filayaa in uu halkaasi gaaro si uu shirka ugu qeyb galo Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qeyb ka ah shirka lakin waxa shaki weyn la galinayaa madaxweynaha koonfur Galbeed Lafta green sida ay heleyso warbaahinta mudug24.

Shirka oo looga hadlayo Qodobo dhoor ah waxaa ugu muhiimsan soo celinta macaamilka gaarka sida Lacagta beesha caalamka ay siiso maamul goboleedyada iyo gargaarka loogu tala galay shacabka ku nool dhulkaasi.

Mudug24 Muqdisho

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here