Home Wararka Maanta Madaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray oo Dad Badan...

Madaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray oo Dad Badan looga Dilay (Sawirro)

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa booqday deegaannada Mabaax iyo Ceel qooxle oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Al lshabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan oo ay ka muuqdaan raadadka gumeysiga cadowga, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee khawaarijta ka saaray deegaannadaan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ciidamada dib u xueynta ka soo hoyeen dagaalada lagula jiro Al Shabaab, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la dhameystiro kooxdaan gabalkoodu sii dhacayo ee u taagan xasuuqa iyo baabi’inta umadda.

Ad
Previous articleGaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka Tirsan Hirshabeele oo lagu qarxiyay duleedka Jowhar
Next articleCiidamo Cusub oo ku Biiraaya Booliska Soomaaliya oo Muqdisho laga Soo Dajiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here