Home Wararka Maanta Donald Trump oo mar kale lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta Gabood...

Donald Trump oo mar kale lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta Gabood Falo uu Gaystay

0

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale lagu soo eedeeyey dacwad la xiriirta doorashadii dhacday sannadkii 2020-ka ee uu kaga adkaaday madaxweynaha hadda talada haya Joe Biden.

Trump waxaa lala soo eedeeyey 18 qof oo kale oo ay ku jiraan qareenkiisa Rudy Giuliani iyo madaxii shaqalaha Aqalka Cad Mark Meadows.

Eedaha lagu soo eedeeyey Trump waxaa ka mid ah musuq, ku xadgudub dhaartii uu u dhaartay xafiiskiisa, been abuur dokumentiyo iyo eedo kale.

Trump oo Maxkamada ka hadlay ayaa beeniyay dhammaanba eedeymaha loo soo jeediyey oo uu ku tilmaamay kuwa siyaasadeed oo uu ka dambeeyo Madaxweyne Biden.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu mar kale isku soo taago doorashada soo socota ee Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo dacwadaha faraha badan ee ka yaala Maxkamadaha ay saameyn xun ku yeelan karaan ololihiisa doorashada.

Ad
Previous articleBooliska Britain oo xabsiga u taxaabay saddex qof oo u dhashay dalka Bulgaria
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Gudaha Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here