Home wararka Dalka Jaaliyada Galmudug ee Koonfur Africa oo Lacag ugu deeqay Dhismaha Wadada Gaalkacyo...

Jaaliyada Galmudug ee Koonfur Africa oo Lacag ugu deeqay Dhismaha Wadada Gaalkacyo iyo Hobyo + Sawiro

0

Gudoomiyaha Gudiga Gob Prof Cabdikaadir Shirwac ayaa kulan la qaatay jaaliyada Galmudug ee Koonfur Africa kuwaasi oo looga hadlay sida Jaaliyada uga qeyb qaadan karto dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Hobyo oo meel dhamaad mareysa.

Jaaliyada oo dhoor jeer oo hore uga qeyb qaadatay dhismaha wadada ayaa markale waxay lacag ugu deeqeen gudiga Gob iyagoo lacagtaasi oo gaareysa 500,000 kun oo lacagta Dalkaasi ay ku wareejiyeen gudiga.

Prof Shirwac Ayaa Qoraal uu soo gaarsiiyay mudug24 uga mahadceliyay jaaliyada Dadaalkooda.

Hoos ka Akhriso

Alxamdu Lilah Waa Xafladdii Cape Town iyo Guddiga Horumarinta iyo Baraarujinta Bulshada oo dhaqaale loogu ururinaayo Waddada Galkacyo/Hobyo si wanaagsa bey hawshaasi u dhacday. Waxaan Ilaah ka soggow u mahad celinaayaa guddiga agaasimayay xafladdaa quruxda badan culumadii iyo waxgarad kii kale ee ka soo qeyb galay ee waxtar kaa lagu farxo muujiyey. Reer Cape Town halku dhaggii ahaa, “Geela Baxsha aa Galkacyo Gaarnee.” Siduu ahaa bey uga jawaabeen. Ilaahey xoolahooda ha u barakeeyo, balaayada adduun iyo tan aakhiro ha kaga badbaadsho miisaanka xasanaadka ha u saaro. Yaa Rabbi Aamin

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here