Home wararka Dalka War Hada Ah Qarax ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada...

War Hada Ah Qarax ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho

0

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhaca laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Hoteelka Mubaarak oo kuyaala agagarka Isgooska Shaqaalaha.

Qaraxa aaa lagu soo xiray gaari yaalay afafaka hore ee Hotelka, waxaana dab xoogan uu qabsaday gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo sidoo kale baabuur kale oo yaalay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa laga arkayaa uurada iyo holaca ka baxaya gaadiidka ku gubanaa qaraxa, waxaana daqiiqado badan goobta uu qaraxu ka dhacay aan soo gaarin gaadiidka dab damiska.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan gaariga lagu soo xiray oo daqiiqado yar kahor dhacay Laamiga Maka Al Mukarama, waxaan sidoo kale la ogeyn cida iska  laheyd gaariga qaraxa lagu soo xiray.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here