Home wararka Dalka Qarax Galabta ka dhacay Isgosyka Dabka oo Faahfaahin laga helayo + Sawiro

Qarax Galabta ka dhacay Isgosyka Dabka oo Faahfaahin laga helayo + Sawiro

0

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo galabta ka dhacay wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaara isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur kala duwan.

Gaariga qarxay ayaa la dhigay ka soo horjeedka maqaayada Barwaaqo oo ku taalla agagaarka isgoyska Dabka, meel ku dhow saldhiga Booliska degmada Waaberi, iyadoo halkaas ay ku taallo bar kontrol oo ciidamadu ku baaraan gaadiidka.

Ugu yaraan 1 qof ayaa la xaqiijiyey illaa hadda inuu ku dhintay, 13 kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan saraakiisha gaadiidka gurmadka ee Ambalaasyada, waxaana jira warar khasaaraha nafeed intaas ka badinaya.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku gubtay gaadiid kala duwan iyo Mooto bajaajyo xiligaas marayey wadada, iyadoo dhinaca kale burbur aad u xoogan uu soo gaaray goobo ganacsi iyo dhismeyaal kale oo halkaas ku yaalla.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay eryadeen in la sheegay inuu ka degay gaariga qarxay oo dad shacab ah ay arkeen isagoo cararaya, siina qaadanaya bastoolad ka dhacday, lamana oga iney qabteen iyo inuu ka baxsaday.

Ma cadda illaa hadda cida qaraxan lala beegsanayey, balse waxaa uu noqonayaa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca wadada Maka Al-Mukarama oo horey u marti gelisay qaraxyo badan oo qaarkood lagu hoobtay.

Laamaha amniga dowlada ayaan weli wax war ka soo saarin qaraxan oo ku soo beegmaya xili magaalada Muqdisho la geliyey xaalad amni, isla markaana ay socdaan howlgalo lagu xoojinayo amaanka, iyadoo jidad badana la xiray.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here