Home wararka Dalka Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo ka hadlay Nin hubeysan oo Xalay lagu...

Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo ka hadlay Nin hubeysan oo Xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda, gaar ahaan Degmada Warta-Nabadda sida ay gacanta uga geysanayaan sugidda ammaanka Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in xalay fiidkii ay Booliisku gacanta ku soo dhigeen shakhsi bam gacmeed tuuray, kadib markii ay shacabka degmadu gacan ku siiyeen Ciidamadda ammaanka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay meel walba uga dabatagayaan, maadaama ay bulshada Caasimaddu diyaar u tahay in kaalintooda ay ka qaataan cid walba oo carqaladeynaysa ammaanka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Warta-Nabadda oo Booliiska farta ugu fiiqay shakhsi bam gacmeed tuuray, kadibna gurigii uu galay looga dabategey ciidankuna ay gacanta ku soo dhigeen. Al-shabaab ha ogaato in bulshadu go’aansatay meel in looga soo wadajeesto danbiile walba ”

Duqa Muqdisho ayaa ku ammaanay bulshada ku nool Gobolka Banaadir sida ay had iyo jeer uga digtoon yihiin Al-shabaab,waxuna ku dhiirigeliyey in ay sii wadaan kaalintooda ku aaddan sugidda amniga.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here