Home Wararka Maanta Xagee laga Soo Tuuray Hoobiyayaashii saakay lagu Garaacay Xaafada Ka Mid ah...

Xagee laga Soo Tuuray Hoobiyayaashii saakay lagu Garaacay Xaafada Ka Mid ah Muqdisho iyo Hooyo Xaamila Ah oo ku geeriyootay?

0

Macluumaad iyo faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa tiro madaafiic ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.,

Hoobiyeyaasha ayaa tiro ahaan gaarayay illaa 8, waxayna qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay guryo ku yaalla xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad isku qoys ah oo deganaa guryahaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ah hooyo xaamilo aheyd oo isbitaalka ku geeriyootay, waxaana sidoo kale dhaawac soo gaaray 4 qf oo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaafiicdaan laga soo tuuray dhanka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xubnaha fuliyay weerarkan ay wateen gaari, isla-markaana ay hoobiyaha la fuuleen buur ku taalla degmada Kaxda, kadibna ay sidaas kusoo duqeeyeen qaybo kamid ah xaafadaha ku yaal caasimada.

Waxaa sidoo kale degmadaas tegay ciidamo boolis oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Galbeed, Gaashaanle Mohamed Abdulkadir Nuur Geedi (Mooshin), waxayna illaa iyo hadda ay howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa dhankooda innoo xaqiijiyay inay arkeen xubnaha Al-Shabaab oo saaran buurta, kadibna ridaya hub culus, taas oo keentay in cabsi xoogan ay dareemaaan shacabka oo mar dambe isugu soo baxay banaanada hore.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin ah oo illaa iyo hadda ciidamada boolisku ay kasoo saareen howlgalladooda iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.

Ad
Previous articleHaween ka tirsan askarta Israa’iil oo shaqada looga joojiyay Fal layaab leh oo ay ku kaceen ayada iyo Saxiibadeed
Next articleWeerar ku Bilowday Qaraxyo oo lagu Qaaday Xarunta Baarlamaanka Dalka Turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here