Home wararka Dalka Boosaaso Ciidanka Puntland oo weeraray Hoyga Gashaanle Axmed Abshir Jaraale

Boosaaso Ciidanka Puntland oo weeraray Hoyga Gashaanle Axmed Abshir Jaraale

0

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo katirsan booliiska maamulka Puntland maanta weerar ku qaadeen guriga Sargaal katirsan ciidanka booliiska maamulkaasi.

Sida aan Wararka ku helnay Guriga la weeraray waxaa degnaa taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka booliiska gobolka Bari Gaashaale Dhaxe Axmed Abshir Axmed (Jaraale) oo bishii hore xil ka qaadis lagu sameeyay .

Ciidamada booliiska ayaa iska hor imaad kooban kala kulmay ilaalada Sargaalkan katirsan booliiska Puntland, waxaana labada ciidan dhax maray iska hor imaad la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray ciidamada dagaalamay.

Gaashaale Dhaxe Axmed Abshir Axmed (Jaraale) ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday in uu wareejiyo hubkii uu ku howlgalayay uu lahaa maamulka Puntland, waxaana guul dareestay dadaalo lagu doonayay in sargaalkan looga qaado hubka uu heesto.

Wasiiro, Saraakiil ciidan iyo waxgaradka Boosaaso ayaa ku baxay daminta xiisada u dhaxeysa ciidanka booliiska Puntland iyo Taliye kuxigeenkii hore ee booliiska gobolka Bari, waxaana socda dadaalo la sheegay in xal looga gaarayo waxa keenay iska hor imaadka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here