Home wararka Dalka Faahfaahin Askari ka tirsan Ciidanka oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

Faahfaahin Askari ka tirsan Ciidanka oo Qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

0

Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw oo barqadii ah qof shacab ah ku dilay Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askariga iyo ninkan uu dhaxmaray muran, ka dibna rasaas lagu furay markii uu la soo baxay toorey uu ku weeraray askariga

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay ee tooreyda ku weeraray askariga uusan maskax ahaan fayoobeyn.

Meydka ninkan la dilay ayaa waxaa goobta ka qaaday dad goobta ka dhowaa, iyadoo dilalka shacabka ay ku soo kordhayeen magaalada Muqdisho mudooyinkan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here