Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga...

Gudoomiye Madaale oo xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho

0

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo uu maamulkiisa uga jawaabayo xaalad soo wajahday Muqdisho oo ay ku dhufteen roobab daadad xoogan wata.

Madaale ayaa xalay kormeer ku tagay goobaha ay biyaha dhigeen roobabkii ka da’ay Muqdisho, isaga oona warbixin ka dhageystay Guddiga maareynta iyo xal u helida saameynta uu reebay roobabkaasi.

Xubnaha guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in inta badan goobihii ay biyaha dhigeen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay caasimada la maareeyay, goobaha harsanna la maareyn doonno waqtiyada soo socda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ay socdaan shaqooyinka dib-usoo celinta bilicda iyo nadaafada magaalada caasimada ah ee  Muqdisho.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka oo ka hadlay arrintan  ayaa faray guddiga in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu shaqeeyo goobaha ay biyaha dhigeen roobabka daadadka watay ee ka da’ay magaalada Muqdisho, sidoo kalena dib loosoo celiyo bilicda Caasimadd.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale guddiga heer gobol ugu baaqay in loo diyaar garoobo xaalad kasta oo soo kordhi karta, taasi oo ku saabsan saadaasha laga bixinayo roobabka daadadka wata ee El-Nino oo weli kusoo wajahan qeybo ka mid ah gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xaaladdan ayaa sababtay, dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen boqolaal kun oo qoys oo ay saameeyeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gudaha dalka.
Ad
Previous articleCaruuskii isaga iyo walaalkiis ka yar lagu dhex dilay tukaankii ay waalidkood ka biili jireen
Next article40 kun Ciidan ah oo Dowlada Soomaaliya Diyaarisay iyo ujeedkooda oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here