Home Wararka caalamka Milatariga Suudaan oo Xabsiga dhigay Masuuliyiin ka tirsanaa Dowladii Cumar Al-bashiir

Milatariga Suudaan oo Xabsiga dhigay Masuuliyiin ka tirsanaa Dowladii Cumar Al-bashiir

0

Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Madaxweyne  Cumar Al-Bashiir.

Xubnahan ayaa dacwado culus waxaa ku soo oogi doona Maxkamadaha dalkaasi, iyadoo Afhayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

Afhayeenka ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga, sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi,  Waxaana uu intaa ku daray in dhowr ka mid ah hay’adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

Militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wada xaajoodo xalka dhibaatada Sudan iyo xalinta dhibaatadii ka dhalatay dibed baxyadii waaweynaa ee dalkaas ka dhacay oo sababay in la afgembiyo madaxweyne Al-bashiir oo dalkaas soo xukumayey.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here