Home Wararka Caalamka Maraykanka oo ka carooday tallaabo uu Sacuudigu qaaday, kuna hanjabay inuu dib...

Maraykanka oo ka carooday tallaabo uu Sacuudigu qaaday, kuna hanjabay inuu dib uga fiirsan doono heshiisyadoodii hore

0

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa dib u qiimeyn ku sameyn doona xiriirka uu dalkiisa la leeyahay Sacuudi Carabiya, kadib markii uu ururka OPEC+ shaaciyay todobaadkii hore inuu dhimayo soo saaridda shidaalka.

John Kirby oo u hadlay Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray ururka ay ku midaysan yihiin dalalka soo saara shidaalka uu horseeday tallaabada uu qaadayo dalkiisa.

“Madaxweyne Biden waxa uu si cad u sheegay inuu doonayo in dib u eegis lagu sameeyo xiriirka aanu la leenahay Sacuudiga, gaar ahaan marka la eego go’aanka OPEC+,” ayuu Kirby ku yiri waraysi uu siiyay CNN.

Maraykanka ayaa u arka go’aankaas lagu dhimayo soo saaridda shidaalka mid dan u ah Ruushka, oo shidaalkiisa laga xannibay qeybo kamid ah caalamka, cunaqabateynta saaran dalkaas awgeed.

Kirby ayaa intaa raaciyay in Madaxweyne Biden uu kala shaqeyn doono Congress-ka dalkiisa sidii wax looga bedali lahaa heshiisyada uu waddankaas haatan la leeyahay Boqortooyada Sacuudiga.

“Ma aha arrin ku kooban dagaalka Ukraine ee waxa ay sidoo kale taabanaysaa danaha amni ee Maraykanka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Go’aanka OPEC+ ayaa sare u kac ku keeni kara qiimaha shidaalka ee gudaha Maraykanka, iyadoo dalkaas ay doorashada xilliga dhexe ka dhici doonta bisha November.

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa doonaya in Washington ay hakiso heshiiska iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Sacuudiga, isla markaana la joojiyo hubka uu Maraykanka ka iibiyo xukuumadda Riyaadh.

Senatar Bob Menendez oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ahna gudoomiyaha golaha xiriirka dibedda ee aqalkaas ayaa ku eedeeyay Sacuudiga inuu si toos ah ula saftay Ruushka oo ku duullay Ukraine.

“Ma jiro qaab aad labada dhinacba u wada taageeri karto. Waa in aan la safato dunida inteeda kale ee doonaysa in laga hortago dembiile dagaal oo uu ujeedkiisu yahay inuu tirtiro dal dhan, mise in aad isaga taageerto. Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo eeganaysa dano dhaqaale ayaa qaadatay go’aanka dambe,” ayuu yiri Senatar Menendez.

Waxa uu ku baaqay in la joojiyo dhammaan iskaashiga uu Maraykanka la leeyahay Sacuudiga.

Haddii la yareeyo soo saaridda shidaalka, waxaa markaa sare u kacaya qiimihiisa, taasoo dan u ah dalalka dhoofiya ee ay kamidka tahay Boqortooyada Sacuudiga.

Arrintan ayaa caqabad ku ah Madaxweyne Biden oo bilihii la soo dhaafay waday dedaallo uu ku wanaajinayo xiriirka kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga.

Ad
Previous articleMuxuu sameeyay sarkaalkii NISA ee guursaday haweeney ka tirsan Al-Shabaab?
Next articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay in lasoo afjaray Shabaabkii Weerary Degaanka Yasooman

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here