Home Wararka Somaliya Kulan Dhexmaray Sheekh shaakir iyo Taliye Odawaa oo ku soo dhamaaday Heshiis...

Kulan Dhexmaray Sheekh shaakir iyo Taliye Odawaa oo ku soo dhamaaday Heshiis la’aan

0

Waxaa bur buray qorshe wada hadal ah oo udhaxeeyey Hogaanka Ahlusuna iyo Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage.

Sida hore uga akhrisateen warbaahinta mudug24 waxaa daabacnay warbixin aan uga hadalnay codsiga taliyaha udiray Sheekh Shaakir.

Wararkii ugu dambeeyey aan ogaanay waxay sheegayaan in uu fashilmay wada hadalkii dhex maray sheekh shaakir iyo General Odawaa yuusuf raage.

Sheekh shaakir oo aqbalay codsigii taliyaha xooga ee ahaa in lasoo celiyo baaburka beebaha ee dawlada turkiga ku saaciday ciidanka Soomaaliya ee lagu qabsaday Bohol ayaa hadana shuruud ay daba dhigeen.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in taas badelkeeda ay taliye odawaa ka doonayaa 10 gaari oo ay Ahlusuna leedahay oo hore ay ugu wareejiyeen general mascuud maadaama ay sargaalkaasi aqoon & ehelnimo hantidooda ugu dhiibteen.

Ugu danbeyn waxaa ku adkaatay taliye odawaa yusuf raage in uu wareejiyo baaburtaas maadama ay gacanta ku hayaan saraakiil katirsan qeybta 15aad ee xoogga ayna qoor qoor toos uhoostagaaan.

Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo ku sii dhawaanaya Magaalada Guriceel
Next articleHogaanka Ahlu-suna oo iskaga Baxay Magaalada Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here