Home Wararka caalamka Dagaalka Ka Socda Duleedka Caasimada Liibiya oo 120 Qof ku dhimatay

Dagaalka Ka Socda Duleedka Caasimada Liibiya oo 120 Qof ku dhimatay

0

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay ka soo saartay dagaalada ka socda duleedka caasimadda Liibiya ee Tripuli waxay sheegtay in ilaa 120 qof oo isugu jira maleeshiyaadka diriraya iyo dad shacab ah ay ku dhinteen dagaaladaasi oo bilowday 10 Maalmood ka hor.

Generaalka howlgabka ah ee hoggaamiya ciidamada uu ku sheegay inay yihiin Milateriga Qaranka Liibiya ayaa 5tii bishan wuxuu weerar kedis ah ku qaaday xukuumada qaramada midoobay ay taageersan tahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Liibiya ee Tripuli

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO waxay sheegtay in dadka ku dhaawacmay dagaaladaasi ayaa kor u dhaafayaan ilaa 561 qof, hase yeeshee ma sheegin inay yihiin maleeshiyaadka dagaalamaya ama dadka shacabka ee lagu kor dagaalamayo

Dhinaca kale, Hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bani’aadanimada ee OCHA waxay sheegtay in dagaaladu ay barakiciyeen ilaa 13, 500 qof, waxay kaloo sheegtay in tiro badan oo dad shacab ah ku xaniban yihiin goobaha dagaalku ka socdo.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Liibya Ghassan Salame ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen Dugsi ku yaala magaalada Cayn Sara oo 15km u jirta koonfur bari caasiamdda Tripoli. Wakiilku ma sheegin kooxda iska leh diyaaradaha weerarka gaystay, hase yeeshee labada dhinac ee dagaalamaya ayaa adeegsada diyaaradaha dagaalka.

Gen Haftar ayaa wacad ku maray inuu soo afjarayo waxa uu ugu yeeray fowdada iyo dowlad la’aanta ka jirta Dalka Liibiya , tan iyo markii xukunka laga tuuray Mucamar Alqadaafi sanadkii 2011kii. Gen Haftar ayaa toddobaadkan la kulmay madaxweynaha Masar C/fitaax Siisi iyo boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here