Home wararka Dalka Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ” Taliyaha Booliska Gobolka Waa in Xilka laga...

Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ” Taliyaha Booliska Gobolka Waa in Xilka laga qaado ”

0

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ka jawaabto Cabashadda iyo Banaanbaxyadda ka socda Muqdisho ee ay waddaan dhalinyaradda Mootadda ku shaqeysta.

Madaxda dalka ayuu ugu baaqay in ay qaadaan Mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Shacabka Soomaaliyeed ee ay Mas’uulka ka yihiin.

Qoraalka uu kaga hadlay Xaaladda taagan ayaa siddaan u qornaa:

Marxuumkani Allaha u naxariistee waa wiil Bajaajle ah oo ay ciidanka Booliska toogteen isaga iyo ruux kale oo rakaabkiisa ahaa. Habdhaqankan waa mid ku cusub Booliska Gobolka Banaadir wuxuuna la socdaa taliska cusub. Madaxda dalka iyaga ayaa si buuxda u qaadaya masuuliyada, maadaama ay taliska Booliska Gobolka Banaadir u dhiibeen ninkii u qaabilsanaa shirqoolada dilalka qorshayn ee siyaasiyiinta, awoodna u siiyeen in uusan hoos tegin, amarna ka qaadan Taliska Guud ee Booliska Federaalka. Si dhibka xal loogu helo, madaxda dawlada waxaan kula taliyanaa

1- In Gacanta lagu soo dhigo ragii wiilasha dilay, lana maxkamadeeyo.
2- In xilka laga qaado Taliyaha Booliska Gobolka.
3- In Taliyaha Booliska Federaalka awoodiisa loo soo celiyo.
4- In maleeshiyaadkii Xasilinta loo bixiyey ee Nabadsugida laga soo ganay, Booliskana lagu soo dhextuuray, dhaqan celin iyo tababar Boolis loo furo.
5- Si sharaf leh loo aaso ehelkoodana Magdhow la siiyo wiilasha la dilay

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here