Home wararka Dalka War hada AH Askari ka tirsan Ciidanka oo dad Shacab ah ku...

War hada AH Askari ka tirsan Ciidanka oo dad Shacab ah ku dilay Muqdisho

0

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw Isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay labo qof oo shacab ah oo la socday mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askari booliiska katirsan uu rasaas ku furay mooto bajaajta oo xiligaasi Isooska Howl Wadaag ku sugneyd, waxaana mooto ku geeriyooday labo ruux oo kala ahaa ninkii waday iyo nin kale oo la socday.

Wali lama oga sababta askarigan katirsan ciidanka booliiska ee loogu tala galay in uu ka shaqeeyo sugida amaanka shacabka uu u dilay dadka shacabka aan waxbo galabsan, sidoo kale lama oga in askariga baxsaday iyo in kale.

Ciidamada dowlada ee dilalka u geesanaya dadka shacabka ah ayaa kusii badanaya magaalada Muqdisho, mana jiro talaabooyin ay qaaday dowlada oo wax looga qabanayo dilalka ciidamada amaanka u geestaan dadka shacabka ah.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here