Home Wararka caalamka Mareykanka oo ka hadlay isbadalka Cusub ee ka dhacay Suudaan iyo Awooda...

Mareykanka oo ka hadlay isbadalka Cusub ee ka dhacay Suudaan iyo Awooda Milatariga

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay taageerayso in Suudaan ay gasho xilli kala guur ah oo shacabku uu majaraha u hayo, waxayna intaas ku dartay in ay waajib tahay in ay arrintaasi ka soo hormarto labada sano ee milatarigu qabtay.

“Dadka Suudaan waa in ay go’aamiyaan cidda hoggaaminaysa, dadkuna waxay dalbanayaan xukuumad shacabka laga soo dhex xulay, waana in arrintaas loo sameeyaa inta ka horraysa labada sano ee milatarigu qabsaday”. Ayuu yiri Robert Palladino oo ah afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka.

Ma uusan caddayn in Maraykanku uu u arko in afgambi milatari looga tuuray xukunka Cumar Xasan Al Bashiir iyo in kale iyo sidoo kale in Maraykanku uu sidii madaxweyne ku meelgaar ah ula dhaqmi doono Awad Ibn Ouf.

Wuxuu sheegay in arrintu aysan wali saldhigan, Wasaaradda Arrimaha Dibadduna ay qiimaynteeda dhabta ah samayn doonto marka xaqiiqadu caddaato.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu hakiyay waxa loogu yeero “wajiga labaad” ee shirkii ay la gali lahaayeen dawladda Suudaan, balse ay sii wadi doonaa xiriirada kale ee sida macnaha leh horumarka looga samayn karo masaaliixda labo geesoodka ah”.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here