Home Wararka Somaliya Puntland oo war kasoo saartay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee...

Puntland oo war kasoo saartay Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee Garoowe

0

Madaxweynaha dowlafa federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa iclaamiyay shir arimaha doorashooyinka looga arinsanayo oo Garawe ku dhax maraya DF iyo dowlad gobleedyada.

Madaxtootada Puntland qoraal kooban oo kasoo baxay caawa ayaa lagu soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Farmaajo, waxa ayna Puntland sheegtay in aan lagala tashan in shirkan ka dhaco Garawe iyagoo ku taliyay in shirkaasi lagu qabto Muqdisho.

” Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri qoraalka goordhaw kasoo baxay Puntland.

Dowlada Soomaaliya ayaana ka jawaabin wali diidmada Puntland ee ku aadan  shirka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iclaamiyay in 15ka bishan ka dhaco Garawe, lamana oga in DF tixgalin doonto codsiga Puntland ee ku aadan in shirkaasi ka dhaco Muqdisho.

Ad
Previous articleRaisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka uu Farmaajo ku baaqay in Garoowe uu ka furmo
Next articleGolaha Amaanka oo ka shiray Xaalada Soomaaliya baaqna kasoo saaray muranka doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here