Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Amiirka Dalka Qatar Tamiim Binu Xamad Al...

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Amiirka Dalka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Mudane Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarixii cuslaa ee Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleSidee marxuumaddan ugu guuleysatay doorashada kursigii ay u tartameysay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here