Home Wararka Somaliya Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Xubna sare oo ka Tirsan Alshabaab

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku daray Xubna sare oo ka Tirsan Alshabaab

0

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Liiska Argagixisada caalamiga ah ay ku dartay illaa shan xubnood oo ka mid ah Ururo Islaami ah oo ka dagaalama Afrika.

Shantan xubnood ayaa labo ka mid ah waxay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, halka saddexda kale ay yihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan Ururo ka dagaala dalalka Mozambique, Mali iyo Burkinafaso

War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Al-Shabaab uu mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

C/qaadir Maxamed C/qaadir oo loo yaqaan Ikrima oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isna ahaa Madaxa howlgalada iyo Lojistikada Al-Shabaab, isla markaana uu qorsheeyay weeraro Al-Shabaab qorsheysay.

Saddexda xubnood ee kale ayaa kala ah Salem ouldBreihmat, Sidanag Hitta iyo Bonomade Machude Omar oo ah dhammaan kuwo ka dagaalama dalalka Mali, Burkinafaso iyo Mozambique

War saxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in xubnahan ay la fariisin doono dhammaan hantidooda, danahooda iyo wax walba wixii dhaq dhaqaaq ah ee ay leeyihiin, iyadoo la amray in lagu soo wargeliyo Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Ad
Previous articleWaxaa socdo dadaalo lagu xalinayo khilaafka hareeyay Guddiga doorashada Goballada waqooyi
Next articleDowlada Mareykanka oo Liiska Argigixisada ku dartay Labo Xubnood oo Shabaab ku jira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here