Home Wararka caalamka Ra`isul wasaaraha israa”iil oo jeediyay Hanjabaad Hor leh

Ra`isul wasaaraha israa”iil oo jeediyay Hanjabaad Hor leh

0

Raisal Wasaaraha Israa’iil Benjaamiin Nataniyahu ayaa wacad ku maray haddii markale la doorto inuu deegaanno kale oo ay Yuhuuddu leedahay uu ka dhisayo dhulka Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.

Dadweynaha Israa’iil aya Talaadada u dareeraya cod bixinta doorashada waxaana Mr Netanayahu tartan adag kula jira xisbiyo ay siyaasaddoodu tahay gacanta midig oo taageersan qayba ka mid ah daanta galbeed in deegaanno laga dhiso.

Deegaameynta ay Israa’iil sameeyneyso ayaa sharci darra ah marka loo eego shuruucda caalamiga ah balse Israa’iil waa ay khilaafsan tahay taa iyada sheegato iney sharci ku socoto.

Bishii hore wuxuu Mareykanku sheegay in la gaaray xilligi Israa’iil loo aqoonsan laha Buuraha Golan ee ay ku qabsatay dagaalkii 1967-kii iney Israa’iil leedahay.

Israa’iil deegaammo ay ka dhistay Daanta Galbeed waxaa deggan 400,000 oo Yahuud ah, halka Bariga Quddusna ay deggan yihiin 200,000. Daanta Galbeed waxaa ku nool Falastiiniyiin gaaraya 2.5 Milyan.

Falastiiniyiinta ayaa doonaya iney dowlad ka sameeystaan dhulalka ay Israa’iil xoogga ku haysata ee Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here