Home Wararka caalamka Qaramada midoobey oo War ka soo saartay colaada ragaadisay Liibiya

Qaramada midoobey oo War ka soo saartay colaada ragaadisay Liibiya

0

Dalalka ugu taagta weyn dunida iyo Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay dagaallada kasoo cusboonaaday dalka Libiya xilli xaaladda ay faraha kasii baxday.

Dalalka ugu dhaqaalaha roon dunida ee G7 ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Libiya inay si degdeg ah ku joojiyaan dhaqdhaqaaqyada militari, dhanka kale, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa baaq kan lamid ah u jeediyay dhinacda Libiya.

Milatargia janaraal Haftar ayaa bilaabay khamiistii guluf colaadeed oo ay dib uga qabsanayaan xukuumadda Libya ay Qaramada Midoobay ay ictirifaasantahay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda dalkaasi iyadoo Liibiya ay ka socdaan iska hor-imaadyo xooggaan.

Xoghayaha guud ee hay’adda QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awoodda badan milatriga Libiya uu kusoo dhamaaday guuldarro.

Balse janaraal Haftar ayaa lagu soo warramaya inuu u sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobey Antonio Guteras in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaan magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo maleeshiyaadka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here