Home galmudug Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo booqday iskuulka dhaqoolayaasha Gaalkacyo + Sawiro

Masuuliyiin ka tirsan Galmudug oo booqday iskuulka dhaqoolayaasha Gaalkacyo + Sawiro

0

Kormeerkaan oo ahaa mid masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka galmudug ay ugu kuur galayeen xaalada waxbarasho ee caruurta aan wax maqli karin ayaa waxa maanta ay ku tageen iskuulka dhagoolayaasha galkacyo halkaasi oo wax lagu baro caruur fara badan oo aan wax maqli karin.

Kormeerkaan oo qeyb ah qorshaha lagu dar dar galinayo waxbarida caruurta aan wax maqli karin ayaa intii ay masuuliyiintu ku guda jiren waxaa warbixino ka siiyay heerka waxbarasho caruurtaasi maamulka iyo macalimiinta iskuulka iyagoona halkaasi ku tusay arday aan wax maqli karin isla markaana qoraya farta soomaaliga

Kormeerka kadib ayaa waxaa ugu horeyn la had;lay warbaahinta Qaranka Xildhibaanada Zahro Daahir Mire oo sheegtay in ay wax lagu farxo tahay in wax la baro caruurta laxaadkoodu kala dhiman yahay iyadoona ka codsatay dhamaan umada reer Galmudug in ay caawiyaan

Wasiirka wasaarada dib u heshiisiinta iyo fadaraalka Galmudug saalax c/laahi Maxamed Boostaale ayaa isna sheegay in ay talaabo horumar leh ay tahay in wax la baro caruur aan wax maqli karin ka maamul ahaana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here