Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Mudane António...

Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York kula kulmay Mudane António Guterres una Gudbiyay arrin caqabad ku noqotay dagaalka kooxda Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Antonio Guterres ayaa intii kulanka socday dowladda federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka ka dhanka kooxda Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaano horle oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cuna-qabateynta hubka saaran Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah “in gebi ahaanba laga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.”

“Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena, si wax ku ool ah loola dagaallamo argagixisada, oo ummaddeenna aan u dhisno mustaqbal nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay adkeeyey in cuna-qabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh.

“Aan si cad u sheego – Soomaaliya 2023 ma aha Soomaaliya 1992. Helitaanka awoodaha lagama maarmaanka ah waxay noqotay hawl adag, taasoo caqabad ku ah awooddayada dhanka dagaalka argagixisada Al-Shabaab iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta”

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi koowaad ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, ayada oo wejiga labaad ee dagaalkan ay qeyb ka noqon doonaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, si loo xoojiyo howl-gallada ka socda dalka.

Ad
Previous articleDagaallo culus oo ka socda Khartuum iyo Darfur
Next articleCiidamada Dowlada oo Soo Qabtay Hoobiyaal Maantay Lagu Garaacay Garoonka Muqdisho iyo Gurigii laga Soo Tuuray oo lala wareegay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here