Home Wararka caalamka Dalka Sacuudiga oo lagu qaaday Weerar iyo Qaraxyo ka dhacay bariga Dalkaasi

Dalka Sacuudiga oo lagu qaaday Weerar iyo Qaraxyo ka dhacay bariga Dalkaasi

0

Dabley hubeysan oo tiradooda dhamayd 4 qof ayaa la sheegay inay weerareen Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Ammaanka ku lahaayeen Bariga dalka sacuudiga, una dhow xuduudka dalalka Baxrayn iyo Kuwayt.

Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay in la dilay 2 ka mid ah dableyda, halka 2  kalena nolol lagu qabtay, iyadoo 3 ka mid ah Dableydaasi ay ku jireen Liiska Eedeysanayaal la baadi-goobayey oo ka soo jeeda Gobalka Al-qatif ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay duqeeyeen Dhismooyin ku yaalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah oo ay ku jireen Arday iyo carruur ayaa lagu dilay duqeyntaasi, halka 39 kalena lagu dhaawacay

Ilo dhinaca Isbitaaladda oo la hadlay wakaalladda Wararka AP waxay tirada dhimashada gaarsiiyeen 13 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah , iyadoo in ka badan 100-kalena lagu dhaawacay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here