Home Wararka caalamka Dalka Pakista oo digniin kasoo saaray weerar kaga yimaada Dowlada india

Dalka Pakista oo digniin kasoo saaray weerar kaga yimaada Dowlada india

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud Qureyshi waxa uu maanta sheegay inay Dowladda Hindiya qabanqaabinayso weeraro Milliteri oo dheeraad ah oo ay bartamaha bishan ku soo qaadaan dalkiisa.

Wasiirka oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Multan waxa uu sheegay inay hayaan xog Sirdoon oo lagu kalsoonaan karo inay Milliteriga Hindiya abaabul ugu jiraan dagaalkaasi.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyeen Cabashadda arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay  Beesha Caalamka inay wax ka qabtaan mas’uuliyad-darradda Dowladda Hindiya ku qorsheynayso dagaal ka dhan ah dalkiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay inay xog ku hayaan inay Milliteriga Hindiya qorsheynayaan inay bishan April 16-da ilaa 20-da so oqaadaan weerarka daandaansiga leh.
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here