Home Wararka caalamka Dagaalada ka soconaya Dalka liibiya oo noqday mid sii xoogaystay

Dagaalada ka soconaya Dalka liibiya oo noqday mid sii xoogaystay

0

Dagaalka ka soconaya nawaaxiga caasimada Tripoli ayaa sii xoogeystay , iyada oo wararku ay sheegayaan in ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar ay ka galeen magaalada saddex jiho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in milatariga Haftar ee isku magacaabay ciidamada qaranka Libya ay haatan u galeen gudaha magaalada 25 kiilo mitir.

Sidoo kale wararku waxa ay tibaaxayaan in mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu xoogan Tripoli oo loo yaqaano RADA ay dhinac u baxeen ayna taageerayaan haatan General Xaftar.

Dagaalka soo cusboonaaday ayaa ku baahay nawaaxiga caasimada Tripoli, waxa uuna dhexmarayaa xoogaga taabacsan xukuumada caalamku aqoonsan yahay ee Libya iyo dagaalyahanada falaagada ee fadhigoodu yahay bairga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyada u dhexeeyo milatariga Gen Khalifa Haftar iyo kooxaha taageera dowladda uu ka soconayo sadex goobood oo ku yaala koonfurta Libya.

Caasimada Tripoli ayaa xarun u ah dowlada Qaramada Midoobay ay taageerto caalamkuna aqoonsan yahay.

Qaramad Midoobay iyo dhowr dowladood oo reer galbeed ah ayaa ugu baaqay dhinacyada colaadu u dhexeso inay heshiis ka gaaraan dagaalka sii xumaanaya.

Kolsii horeysay ergeyga Qarama Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, ayaa sheegay inay ka go’antahay in la qabto bishaan shir lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya Libya

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here