Home galmudug Daawo Sawirada Mas’uuliyiin Ka Tirsan Gamudug oo Ka Qeyb Galay Xarig Jarka...

Daawo Sawirada Mas’uuliyiin Ka Tirsan Gamudug oo Ka Qeyb Galay Xarig Jarka Ceel Biyood Riig ah oo Laga Hirgaliyay Degmada Ceeldibir Ee Gobolka Mudug

0

Ceel Biyoodkaan Riiga ah oo ay Deegaanka Ceeldibir Gobolka Mudug ee Galmudug ka Hirgalisay Hay’adda IRC oo Ka Mid ah Hay’adaha Mashaariicda Hormarineed oo Badan Horay Uga fuliyay Deegaano Badan ka Tirsan Galmudug Gaar ahaan Gobolka Mudug Ayaa Munaasabdda Lagu Xarig Jaray Qodista Ceelkaan Ceeldibir Waxaa ka Qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Tamarka iyo Kheeraadka Biyaha Galmudug Axmed Shire Falaglle,Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan,Madaxda Hay’adda IRC Xaafiiskooda Gaalkacyo Maamulka Degmada Ceeldibir Iyo Qeybaha Bulshada Degmada.
Gudoomiyaha Degmada Ceeldibir Ee Gobolka Mudug Cabdiraxmaan Shekh Xasan oo Hadal dheer Munaasabadda ka jeediyay ayaa Tilmaamay in Qodista Ceel Biyoodkaan Ku timid Baahiyo dhanka Biyaha ah oo Deegaanka ka jirtay iyo Codsiyo Badan oo ay udireen Hay’ado Deegaanka ka hawl galo oo Sahmintii La sameeyay kadib Injineerada Hay’adda IRC Ku Guuleysteen Haddana Qodeen Loona dhameys tiray dhamaan Qalabkii Ceelka iyo Matoorka Ubaahnaa
Gudoomiye Cabdiraxmaan Shekh Xasan iyo Bulshada Ceel dibir Ayaa Uga Mahad Celiyay IRC Hirgalinta Ceelkaan Xilli Ceelkii Hore oo ahaa mid Ku shaqeeya Marwaxad Cilado awgeed shaqeyn waayay Baahi dhanka Biyaha ahna ay Heysatay Bulshada Ku nool Ceeldibir iyo Deegaanada Hoos taga oo Ka Tirsan Gobolka Mudug Ee Galmudug.

W/D/Wariye Abdalle Mohammed Abdulle
Xaafiiska Wararka Mudug24 Gaalkacyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here