Home galmudug Magaalada Gaalkacyo oo laga hir geliyay Masaajid iyo Madaraso dadka wax lagu...

Magaalada Gaalkacyo oo laga hir geliyay Masaajid iyo Madaraso dadka wax lagu baro (Sawiro)

0
Duqa degmada Gaalkacyo,Saahid Maxamuud Cali Xaaji Sayn iyo mas’uuliyiinta shirkadda Kebarco ayaa xarig jaray masaajid iyo madaraso laga hirgaliyay deegaanka Kheyr-doon oo hoos taga deegaanka Bacaadweyne ee gobalka Mudug.
Ururka World Assambly of Muslim Youth (WAMY) ayaa bixiyay dhaqaalaha ku baxday dhismaha masaajidka iyo madarasada, waxaana dhismaha fulisay shirkadda Kebarco,iyadoo deegaankaa ay horey u codsadeen dhismaha masaajid iyo madaraso.
Dadka deegaanka Kheyr-doon oo hoos taga deegaanka Bacaadweyne ayaa u mahadceliyay ururka bixiyay dhaqaalaha lagu dhisay masaajidka iyo shirkadda fulisay dhismaha.
Shirkadda fulisay dhismaha ee Kebarco ayaa mashaariic dhismayaal waddooyin iyo dhismayaal bulsho ka wadda deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Puntland.
10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here