Home Wararka Maanta Xoghayaha Guud ee QM oo war ka soo saaray Heshiiskii Doorasho ee...

Xoghayaha Guud ee QM oo war ka soo saaray Heshiiskii Doorasho ee Shalay La gaaray.

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hanaan doorasho oo la oggol yahay oo hufan oo aan dib-u-dhac dambe ku imaan.

“Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayaa muhiimada wada hadalka iyo is af garadka si loo xaliyo qodobo kasta oo ka dhalan kara inta lagu guda jiro hirgalinta, wuxuuna ku baaqayaa in si deg deg ah loo dhiso hay’ado lagu kalsoonaan karo oo maamulka doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed si howsha loo qabto.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyntii Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayay sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay inay dadka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto hirgelinta Qaabkii Doorashooyinka ee 17ka Sebtember iyo in la qabto hanaan doorasho oo waqtigiisa ku dhaca.

 

Ad
Previous articleGudoomiyaha Gobalka Banaadir oo La kulmay Wafdi ka socda Dowladda Swedan (Sawiro)
Next articleMadaxda Maamul Gobaleedyada oo Nasiino ku qaatay Xeebta Liido (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here