Home Wararka caalamka Agaasime dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay oo wili Teegeere u ah...

Agaasime dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay oo wili Teegeere u ah Israel

0

Abdillahi Ahmed Dool oo shalay laga cayriyey Xilkaasi oo Wareysi siiyey Wargeyska The Times of Israel ee ka soo baxa Israel waxa uu tilmaamay inuu weli si xooggan u soo dhaweynayo Xiriir Diplomaasiyadeed oo ay Somalia iyo Israel yeeshaan,waa sida uu hadalka u dhigay.

Wargeyska The Times of Israel waxa uu maanta oo Isniin ah qoray inay Qoraal E-mail ah ka heleen C/llaahi Dool, oo uu mar kale ku xaqiijiyey inuu weli taagan yahay wixii ku taxaluqa waxa uu ugu yeeray Dowladda Yuhuudda ama Jewish state.

Jimcihii la soo dhaafay, C/llaahi Dool oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia ka soo shaqeeyey tan iyo sannadkii 1983-kii waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray baaq ku aadan in Somalia ay xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel, wuxuuna sii raaciyey inuusan xiriirkaasi qofna wax u dhimi doonin, isla markaana ay danteennu ku jirto inaan Israel soo dhaweyno, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo xad-gudub iyo Ihaano u geystay Ummadda Reer Falastiin oo uu ku sheegay inay yihiin caddowga ugu xun ee Israel, waa sida uu ku soo qoray Twitter-kiisa.

C/llaahi Dool waxa uu wixii ka dambeeyey xilligaasi tirtiray dhamaan wixii uu soo dhigay Twitter-kiisa, isagoo sheegay inuu qoraalkiisa ku cabirayey Aragtidiisa Shaqsiyadeed oo keliya.

Laakiin, taasi kama aysan badbaadinin in shalay laga cayriyo Xilkiisa, iyadoo dadka Soomaalida ee ku nool gudaha iyo dibedda ay si kulul u naqdiyeen hadalkiisa ku aadanaa in Israel lala yeesho Xiriir Diplomaasiyadeed.

Warbixin lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Dalsan Media ayaana lagu muujiyey in ka badan 80% dadkii ku soo aragti dhiibtay Twitterka Radio Dalsan sheegeen inay DFS   sameysay go’aan  sax ah oo ku aadan hadalkii C/llaahi Dool.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here