Home Wararka Somaliya Dhageyso: Odawaa oo ka hadlay Nuuca Dagaal ee kala dhaxeeya Wasiir Dubbe

Dhageyso: Odawaa oo ka hadlay Nuuca Dagaal ee kala dhaxeeya Wasiir Dubbe

0

Xildhibaan c/raxmaan maxamed xuseen (odawaa) oo maanta dib loogu doortay kursiga golaha shacabka ayaa kalmadii uu jeediyey waxa uu kaga hadlay arimo badan.

Mr Odawaa ayaa ugu horeyn umahad celiyey dhamaan dadkii wakhtiga geliyey in guusha ay maanta gaareen miraheeda la gurto,isagoo cod dheer ugu mahad naqay dadka soo jeedka badan geliyey in lawada guuleysto.

Xildhibaan Odawaa oo katirsan xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo ayaa ahaa siyaasi hadalkiisa qayaxan soo bandhiga mucaaradnimada Dawlada shantii sano dalka xukumeysayna aan la gamban jirin.

Waxa uu odawaa ka hadlay nuuca dagaal ee siyaasadeed ka dhex jiray isaga iyo Wasiir Dubbe oo dhawaan Gaalkacyo la tegay Wasiir C/raxmaan Alcadaala balse Garowe iskaga sii gudbay.

Dubbe iyo odawaa ayaa waxay ahaayeen kuwo hadalo sarbeeb ah isku mariyey hawada iyo si toos ah madalo kala duwan,iyadoo Xildhibaan Odawaa maanta uu shaaciyey waxay isku hayeen isaga iyo Dubbe oo Xildhibaan Aqalka Sare loo doortay sanadkaan qudhiisa.

Ad
Previous articleDeg Deg: Gudoomiyihii Dhalinyarada Nabad iyo Nolol oo goordhow Muqdishu ku Geeriyooday
Next articleKursigii Xildhibaan Axmed Fiqi oo Galabtay Gaalkacyo Lagu Doortay yaa ku Guulaystay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here