Home Wararka Maanta Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada saraakiil ay sheegtay inay ka dishay...

Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada saraakiil ay sheegtay inay ka dishay Al-Shabaab

0

Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada 24 sarkaal oo sare oo ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaaday xuduudda iyo gudaha dalka Itoobiya.

Liiska ay Itoobiya soo badhigtay waxaa kasoo dhex muuqday Fu’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay, kuwaas oo sheegay inay nool yihiin.

Itoobiya ayaa sheegtay inay guud ahaan dagaalka ku dishay 813 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan 24 sarkaal oo ay shaacisay magacyadooda.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Al-shabaab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay:

1- Fu’aad Muxamed Khaliif – Madaxa ololaha iyo dacaayadda Al-Shabaab

2- Cabbdulaziz Abu Muscab – Afhayeenka al-Shabaab

3- Cabdinuur Ciise – Madaxa Aagga Bokool iyo Xuduudka Itoobiya

4- Madaxa Saadka Al-Shabaab ee Koonfur Bari

5- Abuu Muusa- Guddoomiye ku-xigeen

6- Ali Muhammad Hassan – Horjoogaha labaad ee Al-Shabaab

7- Aadam– Taliye ku-xigeenka Al-Shabaab

8- Mukhtaar Gab – Xubin Golaha Dhexe

9- Amiir Cabdullaahi (Maxamed Cabdullaahi) – Madaxa Tababarada Al-Shabaab ee Xerada Morgabe

10- Injineer Jehad Srewan (Mujaahid Faysal) – Madaxa Tababarada iyo Walxaha Qarxa ee Kaamka Bluefly.

11- Sheikh Hussain Berdele – Canshuur aruuriyaha Aagga Bakool

12- Sheekh Hassan Nuuno – Madaxa Ololaha Jebalada Sh/hoose

13- Yaasiin Dheere

14- Saalax Dheere – Madaxa Waxbarashada Al-Shabaab ee Gobolka Baay

15- Abuu Salaam – Aagga Bokool ee ururinta Al-Shabaab

16- Xamzi Cabdllaahi – Madaxa Warfaafinta Aagga Bay

17- Cabdullaahi Xaaji- Taliyaha Ciidanka Milatariga ee Aagga Bokool

18- Mukhtaar Boro

19- Abdurashid Gabo

20- Cabdukiim Gedude

21- Mukhtaar Gaab – Madaxa Ololaha Gobollada

22- Ayuub Daa’uud

23- Cali Aadan

24- Xasan Maxamed

Ma jirto cid xaqiijin karta sheegashada Itoobiya, hase yeeshee wararkii hore uga soo baxay Addis-Ababa ee ku aadanaa madaxda ay ka dileen Al-Shabaab ayaa noqday been, waxaana ugu dambeeyey Fu’aad Shongole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay kadib sheegashadii Itoobiya.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Taageertay Shiinaha
Next articleGolaha shacabka oo shaaciyey Maalinta codka kalsoonida loo qaadayo Wasiirada cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here